Diiwaangelinta dadka waaweyn

Sidee laisaga diiwangeliyaa Hemayat?

 1. Anmeldung Isqorida: dadka ay quseyso si shaqsi ah ama wicitaan ayeey xiliyada xafiisku furanyahay isdiiwaan gelin karaan (isniin/arboco/jimco 08:00-13:00 saac, talaadada/khamiista 13:00-17:00 saac) ama iimeel ahaan (anmeldung@Hemayat.org) markaad is diiwaangalinaysid fadlan isticmaal warqadeena macluumaadka: Linkiga warqada macluumaadka: ISDIIWAANGELIN

2. Wada hadalka cadeeynta(is araga koobaad): markaad isqortid kadib waankula soo xiriiraynaa ilaa mudo asbuucyo gudaheeda si ballan laguugu qabto. Ballan qabashada waxaa lagugu soo ogaysiin telaefann ahaan.

Wada hadalka koobaad waxa uu qaadanaa ku dhawaad 50 daqiiqo hadii loo baahdana waxaa joogi doona turjumaan rag ama dumar ah. Hadii ay jirto warbixin Dhakhtarka Cilmi nafsiga ama daawo aad qaadanaysid fadan ballanta wadahadalka koowaad sooqaad oo keen. Wada hadalka waxaa lagu cadeen doonaa in Hemayat uu yahay meesha kugu haboon maxaasa si gaar ah shaqsiyan lagu la talinkaro amaba lagugu caawin karaa.

3. Waqtiga sugitaanka: nasiib daro daweenta cilmi nafsiga ee halka qof waqti dheer ayaa lasugaa. Inta aad sugeeysid waxajira caawimaado kale sida socod  koox loosoconaayo iyo latalin cilminafsi oo kooxo ah ama latalin Dhakhtar cilmi nafsi hadii mushkiladi dhacdo waa suurta gal in balamo gaar ah heshid balamahaasna xafiiska ayaad kuwada heshiin doontaan. Inta badan balamaha daaweynta cilmi nafsiga waxa la bixiyaa laba ilaa sideed usbuuc guduhood, hadii aad taleefankaaga ama cinwaanka badashid waxaan kaa codsaneeynaa inaad nasoo ogaysiisid.

4. Bilowga daaweynta ama latacaalida: Hemayat teleefan ahaan ayuu kuula soo xiriiraya hadii daawaynta ama latacaalida bilaabanayso. caadiyan kulanka daaweynta usbuuci hal mar ayuu dhacaa, inta ay qaadaneeyso la tacaalidu waa qofba si, oo aad ayay u kala duwantahay, balamaha dhaqtarka maskaxda waqti badan ayaa u dhexeeya labo ilaa sideed usbuuc. 

Sidee uu Hemayat kuu caawin karaa?

1. Psychotherapie (Cilaajka ama daaweynta cilmu Nafsiga): ujeedka ugu muhiimsan ee daaweynta cilmu nafsiga waa yareenta xanuunka ama suulintiisa, caawinta mashaakilka nolosha iyo xoojinta caafimaadka. Derejada koowaad ee latacaalidu waa kal fadhiyo wada hadal, hadba qaabka daaweynta cilmu nafsiga Waxaa suurta gal ah in lagu kabo ama lagu xoojiyo sida jir dhis  ama shaqo fir fircoon in lagugu caawiyo.

Daaweenta cilmi nafsiga waxaa la sameeyaa usbuucii hal mar  waxayna qaadataa 50 daqiiqo. Inta ay qaadanayso daaweentu waa go`aan si xirfadeeysan ay ugaarayaan dhaqaatiirta cilmu nafsiga kuwasoo siwada jira qofka macmiilka kulaheshiinayaan. Hadii ay lagama maarmaan noqoto daaweynta cilmi nafsiga ee Hemayat waxaa turjumi doona turjumaano si gaar ah loo tababaray weliba turjumaanada iyo dhaqaatiirta cilmi nafsiga waxa waajib ku ah ilaalinta qusuusiyada waxayna ula dhaqmi doonaan waxa ay ka koobantahay daaweyntu si aaminaad leh oo sir noqonaysa oo aan cid sadaxaas ogaan karin.

2. Psychiatrische Behandlung: la tacaalida xaga maanka daawooyinka qaar waxay yareen karaan astaamaha qaar sida hurdo xumida, awood daridda. Daaweynta maanka waxaa lasameeya latcaalka nafsiga ka hor ama si is bar bar socod ah si ay isku caawiyaan oo isku dhammeystiraan. Hemayat waxa uu kuu xawilayaa dhaqtar ku taqasusay maanka ama macluumaad ayuu ku siin halka oo aad caawimaad haboon laga heli karo.

 

3. Kula tacaalida jimicsiga iyo kooxaha dhaqdhaqaaqa:  kooxaha waxaa loo kala saaray oo loo qabtaa rag iyo dumar.  hadba tawabaraha iyo dhaqtarka maanka ayaa hogaaminaya kooxda. Dhaqdhaqaaqu waxa uu keenayaa caafimaad iyo dareen wanaagsan si guud; gaar ahaan jimicsigu waxa uu caawinkaraa wanaajinta hurdada, yareenta xanuunka iyo cabsida sidaa darteed waxa ay baranayaan ka qeybgalayaashu waxa u wanaagsan iyo sida ay iyagu isku caawin lahaayeen.

4. Ku daweynta farshaxanka: mararka qaar suurtagal mahan in laga hadlo wixii dhacay. Ku daaweynta farshaxanka waxay siineysaa fursad in dareenka gudaha si kale loo muujiyo: iyadoo la isticmaalayo walxo ama alaabo, cod. Alwaax ama midabo waxaa sameysmayo sawiro iyo qalfoof. Hanaanka in shaqsiyan wax la sameeyo waxa uu xoojinayaa awoodahaaga  dareenka qiimaha naftaada iyo isku kalsoonida.

5. Shiatsu: shiatsu waa daaweyn xaga jirka ah taasoo HEMAYAT bixinayo  iyadoo lasocota daaweynta nafsiga. Waxay uga duwantahay masaajada caadiga ah isagoo qofka macaamiisha dharkiisa asagoo gashan joogaayo meesha dawaynta Shiatsu ga. Shiatsu waxa la cadeeyey in uu aad ucaawiyo wakhtiyada xanuunka ladareemayo, walwalka iyo wanaajinta hurda xumida  iyo caawinta qofku inuu jirkiisu si wanaagsan uu udareem.

Muxuuna Hemayat kaa caawin karin?

Hemayat ma shaqaaleeyiiyo sharciyaqaano iyo talobixiyayaal bulshadeed sidaa darteed ma awoodno inaan kaa caawino wax ku saabsan guri iyo shaqo raadinta, su`aalaha ku saabsan udacwooshada qoyska ama kiiskaada qaxootinimo. Marka waxaan kugu xawilileeynaa talo bixiyayaal ku taqasusay arrimahaas.

Waqtiga sugitaanka oo dheer awgii  nalama  heli karo xaladaha dhibaatada daran(degdegta ah).

Cinwaanada xaaladaha deg deg ah

Waan ka xunahay in hadii mushkilada dhacdo si deg deg  aan na loo helikarin.

Xaaladaha ded deg ah waxaan kuu xawileynaa ciwaanadaan:

Sozialpsychiatrischer Notdienst

Akutpsychiatrien

Waa maxay shoog (qarracan)?

Walxaha nolosha khatar ku ah oo aan la xakameen karin ama dhaawaca niyada  ayaa lagu tilmaamaa shoog nafsadeed, waxayna keeni karaan waxa loogu yeero dhibaatooyinka shooga(qarracanka) dabadii yimaada oo qofka ann kaharin. Wixiihore sidiisi maaha. dhibanuhana waxa uu dareemayaa in uu is bedelay, waxa uu qabaa cabsi, hurdo xumo, qaraw ama kaabuus iyo saska hurdada, ama xanuuna jirka ah, qofku wuu xanaaq dhawyahay waana neerfoos mana awoodo in uu wax diirada saaro, wa a caadi in dhibaatooyinkaas xili danbe soo muuqdaan marka eey bukanadu dalka Austria yimaadaan.

 Dhibaatooyinka ugu badan ee shooga dabadii dhaca waxay yihiin culeyska ka danbeeya shooga(Qarracanka) sida walaac,walwal cabsi iyo niyad jab.

shoogu waxa uu keeni karaa calaamado iyo fal celino kala duwan waxa soo socda waxa lagu sharaxayaa calaamadaha iyo xanuunada ugu badan,  hadii marka ay calmaadahaas soo laab laataan waxaa suurta gal ah in dhibaatooyinka shooga dabadii jiraan waxaana lagula talinaa sharxaad qof  khibrad u leh hawushaan.

•Xasuus culeeys leh oo soo noqnoqota iyo waaya aragnimo Qaracan leh, kuwaane waxay soo muuqaan karaan qaab qaraw ah ama xasuus aadan iska joojin karin. Mararka qaar waxuu dhibanuhu dareemayaa inay marlabaad waxyaabihi xumxumaa uusoo arkay oo xaalad qatar marlabaad hada dhacayaan markaasna makala saari karo waxa dhabta ah.

 

 

•Meelaha, fikirada, dareemaha iyo xaaladaha xasuusinaya shoogii waa laga fogaadaa.

•Dhibanayaashu maba hurdi karaan ama hurdo fiican mahelaan, waa il daranyihiin, cabsi, xanaaq dhaw, mashaakil ayaa haya. Waa adagtahay in dib loo dejiyo, waa ku adagtahay qaadashada macluumaadka cusub iyo is hagida waxna diirada ma saari karaan.

•Inta badan dhibanayaashu gooni ayay u go'aan waxay ka cabanayaan rajo xumo, farxad la'aan sidoo kale dareenka denbiga iyo ceebta dhacaysa.

•Mararka qaar waxa haleela xanuun aan la aqoon, wareer, lalabo mana loo heli karo wax caawimaad dawo ah.waxaana suurta gal ah baahi badan ama  abateed la'aan cunto rabid la aan.

•Calaamadahaan culeyska leh waxay keenaan in dadka qaar ay isticmaalaan walxo qatar ah sida qamri, sigaar iyo maandooriye.