Diiwangelinta ilmaha iyo dhalinyarada

Sidee laisaga diiwangeliyaa Hemayat?

 1. Isqorida: dadka ay quseyso si shaqsi ah ama wicitaan ayeey xiliyada xafiisku furanyahay isdiiwaan gelin karaan (isniin/arboco/jimco 08:00-13:00 saac, talaadada/khamiista 13:00-17:00 saac) ama iimeel ahaan (anmeldung@Hemayat.org) markaad is diiwaangalinaysid fadlan isticmaal warqadeena macluumaadka: Linkiga warqada macluumaadka: ISDIIWAANGELIN

2. Wada hadalka cadeeynta(is araga koobaad): markaad isqortid kadib waankula soo xiriiraynaa ilaa mudo asbuucyo gudaheeda si ballan laguugu qabto. Ballan qabashada waxaa lagugu soo ogaysiin telaefann ahaan.

Wada hadalka koobaad waxa uu qaadanaa ku dhawaad 50 daqiiqo hadii loo baahdana waxaa joogi doona turjumaan rag ama dumar ah. Hadii ay jirto warbixin Dhakhtarka Cilmi nafsiga ama daawo aad qaadanaysid fadan ballanta wadahadalka koowaad sooqaad oo keen. Wada hadalka waxaa lagu cadeen doonaa in Hemayat uu yahay meesha kugu haboon maxaasa si gaar ah shaqsiyan lagu la talinkaro amaba lagugu caawin karaa.

3. Waqtiga sugitaanka: nasiib daro daweenta cilmi nafsiga ee halka qof waqti dheer ayaa lasugaa. Inta aad sugeeysid waxajira caawimaado kale sida socod  koox loosoconaayo iyo latalin cilminafsi oo kooxo ah ama latalin Dhakhtar cilmi nafsi hadii mushkiladi dhacdo waa suurta gal in balamo gaar ah heshid balamahaasna xafiiska ayaad kuwada heshiin doontaan. Inta badan balamaha daaweynta cilmi nafsiga waxa la bixiyaa laba ilaa sideed usbuuc guduhood, hadii aad taleefankaaga ama cinwaanka badashid waxaan kaa codsaneeynaa inaad nasoo ogaysiisid.

4. Bilowga daaweynta ama latacaalida: Hemayat teleefan ahaan ayuu kuula soo xiriiraya hadii daawaynta ama latacaalida bilaabanayso. caadiyan kulanka daaweynta usbuuci hal mar ayuu dhacaa, inta ay qaadaneeyso la tacaalidu waa qofba si, oo aad ayay u kala duwantahay, balamaha dhaqtarka maskaxda waqti badan ayaa u dhexeeya labo ilaa sideed usbuuc. 

 

Sidee uu Hemayat kuu caawin karaa?

1. Daaweynta nafsiga ee carruurta iyo dhalinyarada: ujeedka ugu muhiimsan  ee daaweynta cilmu nafsiga waa yareenta xanuunka ama suulintiisa, caawinta mashaakilka nolosha iyo xoojinta caafimaadka.

Mid ka mid ah sababaha aasaasiga ee daaweynta waa in la helo meel la ilaaliayay taasoo carruurta iyo dhalinyarada culayskooda ku sheegi karaan. Sida caruurta yaryar iney isla ciyaaraan waa mid aad muhiim ka ah daweyna

Daaweynta cilmi nafsiga waxaa la sameeyaa usbuucii hal mar waxayna qaadataa 50 daqiiqo. Inta ay qaadan daaweyntu Waa  go`aan si xirfadeeysan ay u gaarayaan dhaqaatiirta cilmu nafsigu. Hadii ay lagama maarmaan noqoto daaweynta cilmi nafsiga ee Hemayat waxaa tarjumi doona tarjumaano si gaar ah loo tawabaray weliba tarjumaanada iyo dhaqaatiirta cilmi nafsiga waxa waajib ku ah ilaalinta qusuusiyada waxayna ula dhaqmi doonaan waxa ay ka koobantahay daaweyntu si aaminaad leh oo sir noqonaysa oo aan cid sadaxaas ogaan karin.

Maadaama ay muhiim tahay wada shaqeyntu hadii loo baahdo waa lala hadlaa waalidiinta iyo daryeelayaasha.

 

2. Kudaaweynta carruurta cilmu nafsiga iyo ku daaweynta adeegsiga kooxaha farshaxanka:

Carruurta iyo dhalinyarada waxaa leys kugu daraa hadba sida ay iskugu da` yihiin. Hadba baahida iyo da´da carruurta iyo dhalinyarada waxaa la isticmaala habab kala duwan iyadoo si firfircoon loo qaabeeyay ayaa lagushaqeeyaa walxo ama alaabo, cod,alwaax , dhagax ama midabo.

Carruurta iyo dhalinyarada waxay tijaabin karaan daaweynta Filinjilitaanka iskudayikaraan, qalabka muustikada in ay tijaabiyaan kana sheekeeyaan taariikho.

Qaabkaan wax uun in la sameeyo waxa uu  xoojinayaa kheeyraadkooda(awoodooda) sarana u qaadaya dareenka qiimaha naftaada iyo isku kalsoonida  - Carruurta iyo dhalinyardu waxay ogaan karaan awoodooda waana muhiim in ay koox koox ahaadaan, carruurta iyo dhalinyaradu aad ayay ugu farxayaan uguna baashaalayaan wada ciyaarida iyo is dhaafsiga waaya araganimadooda.

Muxuuna Hemayat kaa caawin karin?

Hemayat ma shaqaaleeysiiyo sharciyaqaano iyo talobixiyayaal bulshadeed sidaa darteed ma awoodno inaan kaa caawino waxa ku saabsan guri iyo shaqo raadinta, su`aalaha ku saabsan udacwooshaha familka  ama kiiskaada qaxootinimo. Marka waxaan kugu xawileeynaa talo bixiyayaal kutaqasusay arimahaas.

Waqtiga sugitaanka oo dheer awgii  nalama  heli karo xaladaha dhibaatada daran(degdegta ah).

Sidaa darteed xaaladaha deg deg ah waxaan kuu xawileynaa ciwaanadaan (hoos kuxusan).

Cinwanada deg deg ah:

Waan ka xunahay in hadii mushkilad dhacdo aan si dhaqsi ah na loo heli karin.

xaaladaha deg deg ah waxaan kuu xawileynaa ciwaanadaan

Dhaqtarka dag daga oo maanka iyo maskaxda ee carruurta iyo dhalinyarada 

univ. klinik für Kinder und jugendpsychiatrie (AKH): Währinger Gürtel 18-20, 1090 Wien, Südgarten KJP, Eben 05; bukaan socodka waxay 24 saac ufuranyihiin mashaakilka daran ee maskaxda ee caruurta iyo da’ yarta xataa si gaar ah mashaakilka qatarta is dilida, hadii xaalad gaar ah si lama filaan ah u dhacdo looma baahno inaad balan sameysatid ee xilliyada uu furanyahay bukaan jiifka iska qor xafiiska macluumaadka, laga bilaabo 16:00 saac taleefankaan: 0043(0) 140400-61184.

Ambulanz für Kinder und Jugendpsychiatrie Rosenhügel: Riedelgasse 5, 1130 Wien, Pavillon C; waxa lagaa rabaa inaad balan ka sameysato taleefankaan: 0188000-339  maalmaha shaqada laga bilaabo 13:30-15:30 ama 24 saac bukaan socodka xaaladaha deg dega ah.

Kinder- und jugendpsychiatrisches Ambulatorium (PSD):  Wolkersbergenstraße 1 (KH Hietzing), Pavillon 14, albaabka Versorgungsheimplatz 1130 Wien

Telefon:  0676 8118 53359, 0676 8118 53348, 0676 8118 53427
Terminvereinbarung: Montag bis Donnerstag von 11 - 19 Uhr

Wakhtiga balanta lasamaysto: Isniinta ilaa Khamiista laga bilaabo 11 - 19 ka saac

Boje - Ambulatorium für Kinder und Jugendliche in Krisensituationen
Telefon 01 406 66 02

Wakhtiga balanta lasamaysto: isniin ilaa jimco laga bilaabo 9 - 14 ka saac

waa maxay shoog? Sideese uga soo muuqan karaa dhalinyarada iyo caruurta.

Tajribooyin aan la xakameyn karin naftana qatar ku ah ayaa lagu tilmaamaa shook nafsi ah waa dhaawac xaga nafsiga ah. Da’ yarta ku qasbanaa in ay kasoo qaxaan goobo dagaal inta badan waxay noqdaan dhibanayaal xadgudub ama jirdil u soo joogoogay. Da‘ yarta qoxootiga ah oo waalidiintood la socon waxay ku suganyihiin xaalad gaar ah. Maadaama kaligood ay yihiin marka ay qaxayaan caawimaad la’aan yihiin. Waxaa dhici karta in dhalinyarta da’ayarta shooga darajada koowaad ka qaadaan waalidiintooda shooga qaba: Waalidiinta dhaawac culus ee nafsiyadeed qaba ulana jirto inay ka badbaadeen shoog nolol iyo geeri u dhexeeyay ku waasi inta badan ma awoodaan inay siiyaan caruurtooda daryeelka iyo dareenka daruuriga ah. Carruurtu waxay lakulmayaan oo ladareemayaan waalidiinta cabsida neerfooska murugada iyo hurdo la’aanta.

Calaamadaha ugu badan carruurta ku waasoo shooga cadeynkaro:

  • Carruurtu gooni ayey ubaxayaan, waxeyna si adag ugu dhegaan  waalidiinta.
  • Cabsi ayey qabaan, waa ildaranyihiin inta badan waa ooyaan.
  • Waxey u ciyaarayaan si qariib ah tusaale ahaan waxay matelaan xaalado xadgudub ama ay soo saaraan.
  • Carruurtu hadalka ayeey joojiyaan ama dhawaqyo gaar ah la yimaadaan, waxaa dhici karta in ay habeenkii sariirta ku kaadiyaan ama ku saxaroodaan.
  • Carruurta inta badan waxaa hayo xanuun jirka ah sida calool xanuun, madax xanuun ama matag.
  • Way ku adagtahay in ay wax diirada saaraan ama macluumaad cusub xasuustaan.

 

 

 

Calaamadaha ugu badan dhalinyarada ku waasoo shoog cadeynkaro:

•Xasuus culeeys leh oo soo noqnoqota iyo waaya aragnimo shoog leh, kuwaane waxayy ku soo muuqaan karaan qaab qaraw ah ama xasuus aadan iska joojin karin  oo kugu soo haada, mararka qaar dhibanuhu, waxa uu dareemayaa inuu xaaladii qatarta ahayd mar labaad hada dhacayso oo soo laabatay mana kala saari karo maxaa dhab ah.

•Meelaha, fikirada, dareemaha iyo xaaladaha xasuusinaya shoogii waa laga fogaadaa.

•Dhibanayaashu  sifiican umaseexan karaan ama hurdadu dhakhso uguma soo dhacdo, waa  il daranyihiin, cabsi, xanaaq dhaw, mashaakil ayaa haya. Waa adagtahay si loo dejiyo, waa ku adagtahay qaadashada macluumaadka cusub iyo is hagida waxna diirada ma saari karaan.

•Inta badan dhibanayaashu gooni ayay u go'aan, waxay ka cabanayaan rajo xumo, farxad la'aan sidoo kale dareenka denbiga iyo ceebta dhacaysa.

•Astaamaha culayska  waxay dadka qaar u keeni karaan isticmaalka badan ee wax yaalaha qatarta ah sida tusaale ahaan, Nikotin(sigaarka) iyo walxaha sharci darada ah.

•Waxaa taa raaco dhibaatada xakameen la`aanta awooda, hab dhaqanka qofku in uu isaga is wax yeeleeyo iyo ku fikirka in uu isdilo.